Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Dagmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose Ismaaciil Abuukar Maxamed ayaa waxa uu soo saaray Wareegtooyin, kuwaas oo looga hadlayo ammaanka degmada & qadista Canshuuraha.
Warsaxaafadeedyo kasoo baxay Xafiiska guddoomiyaha ayaa waxaa lagu mamnuucay in Isbaarooyin la dhigto degaanka Warmaxan ilaa tuulada leego, sidoo kalena aan lagu qaadan karin hubka sharci darrada ah, balse kaliya hubka loo ogol yahay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.
Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Walanweyn aya qoralkiisa waxaa uu ku sheegay in lacag sharci darro ah aan laga qaadi n Karin bulshada degmada Walanwen oo uu sheegay inay u soo gudbiyeen cabashooyin kala duwan.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Dagmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose Ismaaciil Abuukar Maxamed ayaa ku amray Hay’adaha maaliyadda dowladda hosoe inay soo diyaariyaan waraaqadaha dakhli aruurinta ee ilaha dhaqaalaha degmada & wixii aan looga maarmi karin.
Degmada Walanwyen ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed iyo mas’uuliyiintii hore ee degmada , kaas oo salka ku haayay arrimo la xiriira lacagaha Canshuurta ah ee laga qaado Bulshada ku nool degmadaasi Walanweyn.




