Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Beledxaawo Cabdifataax Nuur Mataan ayaa sheegay in ay Dowlada Federaalka ku garab taagan yihiin in dalka laga difaaco Itoobiya.
e Cabdifataax Nuur Mataan ayaa tilmaamay in dibadbaxyadii ka dhacay Gedo uu ahaa mid shacabka ay ku muujinayeen dareenkooda iyo in garab taaganyihiin dowladda soomaaliya kana soo horjedaan xadgudubka gurracan ee Itoobiya.
Guddoomiye Mataan ayaa ku Eedeeyay maamulka Jubbaland uusan waxba ka qaban Arrimaha bulsahada,sida caafimaadka iyo waxabarashada,dowladana ay ka rajeynayaan in waxa ka qabato baahiyaha shacabka Degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.