Madaxweyne kuxigeenka Maamul Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda (SoDMA) loogana hadlayo arrimaha banii’aadannimada.
Cali Daahir Ciid Madaxweyne kuxigeenka Maamul Goboleedka Galmudug d ayaa dhibaatooyinka ay sababeen roob yarida ka jirta dalka iyo Saameynta ay ku yeelatay degaanada Galmudug.
Shirkaan waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle, wakiilo kale oo ka socda Dowladda Federaalka, wasaaradaha Gargaarka ee dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maamulka Khaatumo, Gobolka Banaadir, madax ka socota deeq-bixiyaasha, ururrada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.