Maamul Cusub oo loo magacaabay Dhuusamareeb

Wareegto ka soo baxday madaxweynaha maamulka la magac baxay gobolada Dhexe Sheekh  Maxamed Shaakir  Cali ayaa maamul cusub u   magacaabay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Gudoomiyaha magaalada waxaa loo magacaabay nin magaciisa lagu soo gaabiyey Cabdulaahi Bare.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Macalin Faarax Maxamed Faarax.

Gudoomiye ku xigeenka labaad C/qaadir Axmed Cali xasan

Xoghayaha Maaliyada  Bishaaro Maxamed Cardoofe