Jowhar-RisaalaFM- Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe maanta waxaa lagu xiray Maamulada Iskuulada waxbarasho ee ku yaalla magaalada, sida uu soo sheegayo Wariyaha Risaala ee Jowhar.
Ciidanka Nabad sugidda ayaa Maamulada iskuulada waxa ay xireen, xilli ay magaalada ka soo galayeen koontaroolka galbeed ee magaalada Jowhar.
Wararka ayaa sheegaya in maamulada iskuulada ku yaalla Jowhar maalmo ka hor Al-Shabaab ugu yeereen degaanka Gamboole oo 40-KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Jowhar, kadibna ay shalay tageen, iyagoo la soo kulmay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kan degmada Jowhar ayaa wali ka hadlin xariga Maamulada Iskuulada.
Deegaanka Gamboole ayaa la rumeysan yahay inay xilligan xarun u tahay Al-Shabaab, waxaana dadka ku nool Jowhar iyo hareerihiisa ay u aadaan arrimo dacwo la xiriira dhul, iyo arrimo kale, halkaasi oo ay ku taalo maxkamad ay leeyihiin Al-Shabaab oo dacwadaha qaada.


