DF oo qorsheyneysa dib u furida xaruntii Somali Fruit

Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dowladda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay doonayso in ay dib u furto Xaruntii hore ee Somali Fruit.

Wasiirku waxaa uu sheegay in ay dayactir ay ku sameyn doonaan xarunta si sare loogu qaado wax soo saarka Beeraleyda Soomaaliyeed.

Saciid Xuseen Ciid ayaa sidoo kale tilmaamay in xarunta Somali Fruit ay caawin doonto Beeraleyda Soomaaliyeed, oo aan xilligaan heysan meelo ay ku qaboojiyaan miraha ay soo saaraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu doonaayo in sare loogu qaado wax soo saarka dalka, waxaana Wasiirka Beeraha uu sheegay in ay xoogga saari doonaan wax soo saarka gudaha, si dalka Dibadiisa loogu dhoofiyo.