DHAGEYSO: Maamo Khadiijo “3 Caruur ah ayaa baahi iiga dhimatay aniga oo arkaya”

Khadiijo Maxamed waa qof waayeel ah hadda waxay ka mid tahay dad badan oo ka soo hayaamay degaannada ay ka jiraan Abaaraha oo soo gaaray magaalada Muqdisho, waxayna ku jirta xero ku taala Degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Waxay si dareen leh ay kaga sheekaysay saamaynta ay ku yeelatay Abaaraha ka jira Gobalada Soomaaliya iyo Caruur ay heysay oo Baahi u dhintay iyadoo u jeeda oo aanan waxba u qaban Karin.

“Waxaan heystay Afar Caruur ah oo ay dhashay Gabar aan anigu dhalay, Saddex ka mid ah waxay u dhinteen Baahi, hadda hal wiil oo ii soo haray ayaan Muqdisho ku keenay Lacag aan dad ka soo Tuugsaday.” Ayay tiri Khadiijo Maxamed.

Hooyadaan oo ay ka muuqato diifta ay ku reebtay Abaarta ayaa haatan waxay ku jirtaa Xero ku taala degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale ay dareemaysaa Xanuun dhanka caloosha ah sida ay sheegtay.

Marka laga soo tago dadkaan fursada u helay inay soo gaaraan magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka waxaa jira dad kale oo Abaaruhu aad u saameeyeen oo aanan heysan xitaa wax ay ku soo gaaraan magaalooyinka, kuwaas oo u baahan gar gaar deg deg ah.