DHAGEYSO: Biyo dhaamin loo sameeyay dad ay Abaarta saameysay

Baydhabo-RisaalaFM- Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa gaaraya dad aad u tira badan, kuwaasi oo ka soo barakacay Tuulooyinka iyo Degaanada ku dhow Magaalada Baydhabo.

Dadkan oo ka soo barakacay Abaarta ayaa waxa ay Degaan ka dhigteen Kaamamka ku yaalla Duleedyada Magaalada Baydhabo, halka kuwa kalena ay u soo gudbaan Magaalada Muqdisho.

Hay’adda gar gaarka ee Qalam ayaa maanta waxa ay biyo dhaamin u sameysay dadka ku nool Duleedyada Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Warbixinta warkan waxaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay inooga soo diray Wariyeyaheena Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera).