Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) waxaa ku wehliyey kormeerka uu ku tagay goobta lagu qabanayo caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey waxaana ay u kuur galayeen qaabka loogu diyaar garoobay Munaasabadda Caleema Saarka.
Intii ay ku sugnaayeen Guddoonka Golaha Shacabka hoolka ay ka dhaceyso Munaasabadda Caleema Saarka waxa ay warbixinno ka dhageysteen xubnaha guddiga qaban qaabada Munaasabadda oo ah guddi ka kooban Wasiirro, Xildhibaanno iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux),
Sidoo kalena waxaa goobtaasi lagu diyaarinayey qaabka masrixiyadda loo soo bandhigayo suugaanta wadaniga ah iyo ciyaarro hidaha iyo dhaqanka ah, isla goobta ayeyna sidoo kale kulan kula qaateen saraakiisha ammaanka iyo guddiga.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo waa Madaxweynihii labaad ee lagu doorto laguna caleemo saaro dalka gudihiisa bur burkii kadib.


