Gudoomiyihii hore ee bangiga England, Lord King ayaa sheegay in UK ay isku kalsoonaato marka ay timaaddo arrinta ka bixitaanka Midawga Yurub.
Wuxuu sheegay in ay jiraan “fursado rasmi” haddii laga boxo Midawga Yurub isla markaasna dib u habayn lagu sameeyo dhaqaalaha lana abuuro heshiisyo cusub oo dhanka ganacsiga ah.
Wuxuu si gaar ah u xusay in meelaha ay isbadalka wanaagsan ka keeni karaan ay ka mid tahay dib u qaabayn lagu sameeyo hannaanka beeraha iyo in UK ay hagaajiso calaaqaadka jamhuuriyadda Ireland.
Marka UK ay ka baxdo Midawga Yurub xadka kali ah ee dhanka dhulka ah ee ay Midawga la yeelan doonto ayaa ah kan Ireland.
Waraysi uu Lord siiyay BBC Redio 4 ayuu u sheegay in ka bixitaanka Midawgu uusan ahayn wada faaiido, aysanna ahayn qofna in uu sidaas ka dhigo arrinta, balse sidoo kalena aysan ka dhignayn adduunka dhamaadkiisa.


