Liverpool Oo Sabab Beni’aadanimo Isaga Diiday Hotel La Dajin Lahaa Mudada Ay Ka Qeybgaleyso Koobka Kooxaha Adduunka

Liverpool ayaa lagu soo warramayaa iney iska diiday hotel la dajin lahaa mudada ay ka qeybgaleyso koobka kooxaha Adduunka, waxaana lagu sababeeyay in lasoo bandhigay sanadkii hore warbixin sheegeysa in shaqaalaha hotel-kaas lagu xad gudbay.

Jurgen Klopp wiilashiisa ayaa heysta fursad ay koob labaad ku qaadaan fasalkaan kadib markii ay UEFA Super Cup ka xoogeen Chelsea kulan ka dhacay Istanbul, waxeyna markaan ka qeyb galayaan koobka kooxaha Adduunka maadaama ay Tottenham Hotspur ku garaacday final-kii koobka horyaalada yurub.

Tartankaan waxaa lagu qaban doonaa Qatar, balse waxaa lasoo sheegayaa in Reds ay gabi ahaan iska diiday hotel ay gudoonka sare ee FIFA u xuleen si ay u dagaan kadib markii ay sheegeen in xaalad beni’aadanimo ay ka dhacday halka loo sheegay iney dagaan.

Majaladda The Athletic ayaa shaaca ka qaaday in kooxda ka dhisan Anfield loo bandhigay iney dagaan hotel-ka Marsa Malaz Kempinski ee ku yaala jaasiiradda Pearl-Qatar.