Taliye Cusub oo loo Magacaabey Booliska Soomaaliland

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu taliye Cusub u Magacaabey Booliska Soomaaliland,kadib markii dhawaan uu geeriyooday taliyihii Ciidamada Booliska Cabdullaahi Fadal Iimaan.

Wareegto aan weli la shaacin oo kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliland ayaa waxaa xilka Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliland loogu Magacaabey Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).

Saraakiil katirsan Hay’adaha kala duwan ee Soomaaliland ayaa waxaa ay u hambalyeeyeen Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliland,waxaana la sheegay in taliyaha uu horay uga mid ahan jiray saraakiisha ciidanka Millatariga.