Liverpool oo ku dhawaaqday saxiixa Ciyaaryahan Harvey Elliot

Kooxda Kubadda Cagta ee Liverpool oo ka dhisan dalka Britain ayaa ku dhawaaqday saxiixa 16ka jirka garabka ka ciyaara ee Harvey Elliot kaasoo loo arko xiddig mustaqbal weyn leh,isla markaana guulo weeyn u keeni kara kooxda.

Elliott ayaa ka tagay Fulham bishii Juun ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisa, waxaana uu jabiyay rikoorka xiddigii ugu da’da yaraa ee abid ka ciyaara Premier League.

Harvey Elliott waxaa saxiixiisa si weyn u raadinayay kooxaha waa weyn ee Yurub ee kala ah Barcelona, Real Madrid, Paris Saint-Germain iyo kooxda RB Leipzig.

Inkastoo ay kooxo badan tartan ugu jireen saxiixiisa hadana Elliott ayaa la sheegay inuu go’aansaday inuu ku biiro Liverpool bishaan July ka dib markii uu diiday inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda Fulham.