Wuxuu ahaa Habeen Taariiqi ah 15 July sanadkii 2016 maanta oo kale, inka badan 250 ruux ayaa la dilay, ku dhawaad 2,000 oo ruuxna dhaawacyo ayaa soo gaaray xili ay ka hortagayeen dadka shacabka ah iskuday Afgambi oo ciidamada ay kula wareegeen wadooyinka iyaga oo heysta Taangiyo iyo Qoryaha Fudud.
Buundada 15 July ee magaalada Istanbul waxaa xiray ciidamo abaaro 10:00 Habeennimo, Baarlamaanka waxay la kulmeen weerar, waxaana la qorsheeyay xiligaasi isku day dil oo la doonayay in lagu dilo Madaxweyne Racep Tayyip Erdogan oo xiligaasi ku sugnaa magaalo Xeebeedka Marmaris.
Diyaaradaha ayaa dul heehaabayay dusha sare dhismayaasha magaalooyinka Istanbul iyo Ankara, Warbaahinta Qaranka Afduub ahaan waxaa u heystay kooxaha iskudayga Afgambi waday.
Kumanaan muwaadiniinta Turkey ayaa iskuugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee Istanbul iyo Ankara, waxayna isku baheysteen inay joojiyaan iskudayga Ciidamada ay wadeen ilaa waaberigii July 16 keedii, waxaana shacabka ay sheegeen inay gudanayeen waajibaadkooda Qaran.
Xukuumadda Turkey ayaana ku eedeysay isku daygaasi Afgambi inuu ka dambeeyay wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gulen iyo Kooxdiisa FETO oo doonayay inay dowladda xilka ka tuuraan.
Habeenkii isku dayga, Xafiisyada Xeer ilaalinta ayaa shaqo bilaabay ilaa waaberigii xigay, waxaana durba la bilaabay in la qabqabto boqolaal ku lug lahaa isku daygaasi.
Golaha Sare ee Qaadiyaasha iyo Xeer ilaalinta ayaana kulan deg deg ah oo ay yeesheen maalin kadib Afgambiga waxay shaqada ka joojiyeen shan ruux oo loo Xagliyay inay la safnaayeen KOOXDA Fatullah Gulen.
Soomaali badan ayaa ku nool magaalooyinka Ankara iyo Istanbul, kuwaasi oo goobjoog ka ahaa siday habeenkii iskudayga wax u dhacayeen.
Iskudaygaasi Afgambi ayaa wuxuu saameeyay Kumanaan Ruux oo la shaqeynayay Dowladda, oo la sheegay inay doorweyn ku lahaayeen isku dayga Afgambi.
Inka badan 100,000 oo baaritaan ayaa la sameeyay tan iyo markii Afgambiga laga hor tagay, waxaana ay muujinayaan in dadkii ugu badnaa loo xiray , qaarkoodna Shaqada looga racdeeyay.
Tiradda dadka lala xiriiriyay inay Gulen xiriir la lahaayeen ayaa gaaraya 20,008 ruux, waxaana tirada dadka lala xiriiriyay inay ka tirsan yihiin ururka FETO oo dowladda Turkey Argagixiso u aqoonsan yihiin ay gaarayaan 13,362 ruux, waxaana ay kala ahaayeen:-
705 ruux oo Xeer ilaalinta iyo Qaadiyaasha ku jiray
78 xubnood oo maxkamadda sare ka tirsanaa
26 xubnood oo ka tirsanaa golaha Qaranka
2 ruux oo ka tirsanaa maxkamadda sare ee dalka
51 xubnood oo hayay xilalka magaalooyinka dalka Turkey
6,954 kamid ahaa askarta dowladda Turkey
5,139 xubnood oo kamid ahaa waaxda hergelinta Sharciga
116 ruux oo kamid ahaa xubnaha sare ee masuulka ka ah maxaabiista.
6,587 kamid ahaa macalimiinta dalkaasi wax ka dhiga
317 sharci yaqaano ahaa
398 Dhaqaatiir
Hadda Turkey ayaa waxaa kamuuqdo isbadal weyn, waxaana madaxweyne Erdogan uu wax badan ka badalay dhaqaalaha, amaanka, Dastuurka iyo horumarka dalkaasi.
W/D Maxamed Ciise Maxamuud