Maamulka Dagmada Balanballe ee dowlad goboleedka Galmudug oo kaashanaya Ciidamada Booliiska ka ayaa ku gulaystay in ay gacanta ku soo dhigaan dhallinyaro kuwaas oo Calanka Puntland ka tagay meel fagaaro ah.
Maamulka Dagmada iyo ciidanka Booliiska ayaa Calankii Puntland Dajiyay kii Galmudug na dib u saaray.
Arrinkaan ayaa salka kuhaya carro kadhalatay duulimaadyada diyaaradaha oo ay joojiyeen shirkaddaha diyaaradaha iyo maamulka Galmudug oo ka gaabiyay wax kaqabashada xayiraada hawada ee saaran Caabudwaaq iyo Balanballe.
Saacadihii la soo dhaafay ayaa aad loogu hadal haayay Baraha Bulshada in fagaarayaal kuyaalla degmada Balanballe laga taagay Calanka Puntland maadaama degamdas ay ka tirsan tahay Galmuudg, taas oo keentay inay tallaabo qaadaan laamaha Amniga Galmudug.



