laamaha Amniga Matabaan & Guriceel oo howlgal Isbaaro qaadis ah fuliyay

Ciidamada Booliska Dagmooyinka Matabaan iyo guriceeloo oo ka kala tirsan Gobolada Hiiraan & Galgaduud ayaa, iyaga oo is kaashanaya howlgallo Amniga lagu xaqiijinayay, waxaa ay ka fuliyeen wadada u dhaxeeysa labada degmo.

Howlgalka ayaa waxaa la sheegay in lagu qaaday dhowr isbaaro oo maleeshiyaad hubeysani dhigteen inta udhaxeysa Magaalooyinka Guriceel iyo Matabaam gaar ahaan Aaga degaanka goofado.

Wararka la helay ayaa sheegaya in is rasaaseyn dhex martay Ciidamada Booliska iyo Maleeshiyaadka jidgaayadu u tiilay oo mudo ka socotay halkaas ay suurto gashay inay maleesgiyaadkii hubeysnaa ay Goobta isaga tagaan..

Howlgalkan ay sameeyeen Ciidamada Booliska ayaa daba socday kadib cabasho ka timid Gaadiidka ku safra wadada xiriirisa Magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan ee Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.