Laacib ka mid noqday dadkii geeriyooday ee ka soo dhacay Diyaaradii Maraykanka

Zaki Anwaari oo ka mid ahaa Ciyaartoyda Xulka K/Cagta ee Dhallinyarada Qaranka Afganistan ayaa ka mid noqday saddexdii qof ee Isniintii ka soo dhacay Diyaarad Hawada Sare maraysay oo ay Ciiddanka Cirka ee Maraykanka leeyihiin.

Diyaaradahaasi oo nooceedu ahaa C-17 ayaa la sheegay inay 650 qof xoog ku raaceen, xilli ay ku sugnayd Garoonka Diyaaradaha ee Hamid Karazai International Airport ee magaalladda Kabul.

Laacibka iyo Labada qof ee la geeriyootay ayaa la sheegay inay maydadkooda ku soo dhaceen dhismooyin ku yaalla xaafado ka tirsan Kabul.

Ciyaartoyda Kooxdii uu Laacibkaas ka tirsanaa waxay ka naxeen geerida saaxiibadooda oo Mustaqbalka Ifayey lahaa.