Kurt Zouma oo Muddo lix bilood ah maqnaanaya

 

Daafaca Chelsea Kurt Zouma ayaa wajahaya lix bilood oo maqnanasho ah kadib markii uu u baahday in qaliin dhanka jilibka lagu sameeyo.
Dafacan 21-sano jir ah aya dhawac uu soo gaaray ka dib markii kubad sare ku daalay intii uu socday kulankii 1-1 Premier League ay wada galen Manchester United.
” Scan la i saaray ayaa muujiyay in aan qabo dhawac jilibka ah, Waxaan mari doonaa qaliin todobaadkan,” Zouma ayaa ku sheegay Twitter.
Chelsea ayaa sheegtay inuu maqnaan doono “qiyaas ahaan lix bilood”.
Daafaca dhexe ee France ayaa 32 kulan u saftay kooxda Blues xilli ciyaareedkan.
Sidookale waxa uu saftay labadii kulan ee ugu dambeysay xulkiisa France,waxana kmaid ah kulankii saxiibtinimo ee Denmark October.
France oo marti galineysa sanadkan European Championship, kaoo bilaaban doona bisha  June.
Zouma iyo John Terry ayaa noqday kuwa ugu badan ee kusoo bilowday door dhexe ee daafaca Chelsea sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay ee aan laga badin tababaraha ku meel gaarka ee Guus Hiddink.