Waxaa weli ka socota doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka Magaaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana goordhow la doortay kursiga labaad ee Maanta ee Hop107.
Kursiga labaad ee doorashada Maanta ayaa waxaa ku tartami lahaa Maxamed Sheekh Nuur Cismaan iyo Xasan Cismaan Aadan, balse waxaa kursiga ku guuleystay Maxamed Sheekh Nuur Cismaan oo cod gacan taag ah loogu codeeyay , kadib markii uu tanaasulay Xasan Cismaan Aadan oo la tartami lahaa.
Goordhow waxaa la guda galay kursiga Saddexasd ee doorashada Maanta, iyada oo Maanta Magaalada Kismaayo lagu dooranayo lix kursi.



