Kullamada maanta iyo caawa laga ciyaari doono koobka adduunka, xilliyada la daawan doono

Waxaa hadda soo idlaaday lix Group oo xulalka waa weyn qaar ka mid ah kuwii soo gudbay isku aaday, waxaana la sugayaa in maanta iyo caawa isku aad uu ka sameysmo labada Group ee harsan.

Galabta waxaa ciyaar doona xulalka ku jira Groupka ugu dambeeya ee koobka adduunka, waxaana ay xulalku yihiin in saddex ka mid ah ay rajo ay kusoo baxaan heystaan marka laga reebo Poland oo labadeedii ciyaarood ee horay la garaacay.

Japan iyo Senegal oo min afar dhibcood leh ayaa ugu hadda ugu sarreeya Group H, waxaana xiga Colombia oo saddex dhibcood leh, halka Polan aysan weli helin wax dhibic ah.

Senegal waxa ay la ciyaareysaa xulka qaranka dalka Colombia, waxaana xulka ka socda qaaradda Africa ay u baahanyihiin keliya dhibic si ay u xaqiijiyaan usoo bixitaanka wareegga xiga, halka qaranka uu hooggaamiyo Radamel Falcao uu u baahanyahay guul si uu ugu soo gudbo wareegga 16-ka.

Japan waa xulka ugu cadcad ee illaa hadda la dhihi karo wuu soo gudbay, balse waa inuu adkaadaa si uu ugu soo baxo kaalinta koowaad ee Group-ka, sidoo kale arrintaas waxaa ku lug yeelyan kara ciyaarta kale ee Senegal iyo Colombia.

Kullamadan ayaa soo wada dhici doona 5:00pm galabta, waana Group H.

Sidoo kale waxaa caawa la ciyaari doonaa kullamada Group G, kaasoo goor hore lagu kala baxay.

Xulalka England iyo Belgium ayaa xilli hore xaqiijiyay inay soo gudbeen ka dib markii ay min labadoodii kullan ay soo adkaadeen, waxaana ay ciyaari doonaan ciyaar ay ugu dagaallami doonaan kaalinta 1-aad ee Group-ka.

Waxa ay heystaan min lix dhibcood sidoo kalena min siddeed gool ayay dhaliyeen halka si isku mid ah looga dhaliyay min laba gool.

Haddii ciyaartan ay kusoo idlaato bareejo, daraf walbane ay ka simnaadaan waxaa soo bixi doono xulka aqlaaq ahaan wanaagsanaada iyadoo la tix gelin doono kaararka ay qaataan.

Marka aan kasoo gudubno ciyaarta ay isku arkayaan xiddigaha Premier League-ga, waxaa docda kale wada ciyaari doona xulalka Panama iyo Tunisia kuwaas oo aanan weli dhibic helin.

Xula walba oo ka mid ahi waxa uu raadinayaa inuu helo guul, si dalkiisa uusan ugu laaban isagoo fara maran.

Kullmada natiijadoodu ay yartahay ee Group G waxaa la daawan doonaa 9:00pm caawa.