Kulankii Golaha Shacabka oo Furmay

Waxaa goor dhow si rasmi ah u furmay kulanka 2-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

156 xildhibaan ayaa kulanka soo xaadirtay.

Kulanka ayaa warbixin looga dhagaysan doonaa Guddiga dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.