Kulanka Golaha Shacabka oo weli furmin & Xildhibaannada oo ku kala qeybsan

Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa maanta buux dhaafiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka kadib markii xalay Guddoonka Golaha Shacabka uu xildhibaannada ku  wargeliyay in uu jiro kulan looga hadlayo caabuqa Coronavirus.

Hayeeshee Xildhibaannada qaarkood ay sheegeen in ajandaha uu ku hoos qarsan yahay aAjanda kale o ah in muddo kordhin loo sameeyo Hay’adaha dastuurkiga ah ee dalka, taasi o o keentay in furtanka kulanka ay ku kala qeyb samaan xildhibaannada.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xildhibaannada mucaaradka ayaa sheegay inay basiib darro tahay in Maanta duruufo adag uu dalka kujiro in Baarlamaanka uu nqodo aalad markii uu rabo farmaajo uu albabkiisa xirto markii uu doonana uu furto.

Waxaa uu sheegay in cudurka COVID-19 uu dalka kajiro balse uusan aheyn mid u taallo baarlamaanka, loona baahnaa inay ka hadasho Xukuumadda xilgaarsiinta.

Dhinaca kale Xildhiban Khadiijo Maxame Diiriye oo kamid ah xildhibaannada taageersan Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ayaa sheegtay in Ajandaha maanta uusan kujirin waxyaabo la xiriira muddo kordhin.

Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka ayaan weli furmin, waxaana Xildhibaannada ay ku kala qeyb sameen, iyada oo ay jiraan xildhibaano badan oo diiday inay saxiixaan Ajandaha iyo furitanka Kulanka.