Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA oo qabtey Kulan la tashi ah oo ku saabsan Sharciga Saxaafadda “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa Hotel Afrik Magaalada Mudisho  lagu qabtey  maanta oo ay Taariikhdu tahay  17-5-2017 Kulan la tashi ah oo ku saabsan Sharciga Saxaafadda waxaana Kulankaas soo qaban qaabiyey Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed  (Somali Media  Association SOMA) oo ah Urur ay ku Mideysan Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta , waxaana ka qayb galey Xubno ka socdey Ururka NUSOJ, SIMHA, SWJ MINA,  Xarumaha Warbaahinta  Xarumaheeda iyo Rug caddaayal  Saxafadeed.

Kulankaan la tashiga waxaa Furey Xoghayaha SOMA Ismaaciil Shiikh Khaliifa waxaana uu ku dheeraadey Heerarkii uu soo marey Sharciga Saxaafada , sidoo kale waxaa uu Tilmaamey qaar ka mid Qodobada ku jira Sharciga Saxaafada  oo uu sheegey in ay Cabasho weyn ay ka keeneen  qaybaha kala duwwan ee Warbaahinta

“ Warbaahinta Soomaaliyeed si weyn bay uga doodeen Sharcigaas Sanooyinkii la soo dhaafey wax badana waa ay ka badeleen “ayuu yiri Xoghayaha SOMA  Ismaaciil Shiikh Khaliifa oo dulmar ku sameeyey Sharciiga Saxaafada oo Sannadkii 2016 uu Saxiixey  Madaxweyniihii Hore ee Soomaaliyeed Xasan Shiikh Maxaamuud isagoo sheegey  in weli ay Jiraan Qodobo  weli ay Cabasho ka jirto

Xubnhii kulankaas la tashiga ah ka Hadley waxaa ka mid ahaa  Shariif Macalin oo  si weyn uga Hadley Marxaladihii uu soo marey Xeerka Saxaafada isagoo Hoosta ka Xariiqey  in Warbaahin ay il gaar ah isaga eegaan qaar ka mid ah Qodobada Sharciga Saxaafada gaar ahaan kuwa ka hadlaya Amniga iyo kuwa Ganaaxa ah

Farxiyo Maxamed Khayre oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Suxufiiyiinta Mahadcelin ka dib waxay sheegtey in aad u soo dhaweynayaan  in mar kale laga doodo Sharciga Saxaafada iyadoo Farta ku  fiiqdey in ay weli jiraan Qodobo is Dulsaaran oo loo Baahan yahay in si cad loo qeexo si loo helo qodobo Waraabinta ku Kalsoon tahay

“Waxaa soo jeedinayaa in Qodobada Sharciga Saxaafada ku jira in si Cad loo bayaaniyo si meeshaa loogga saaro shakiga ay qabaan Warbaahinta” sidaa waxaa yiri Faarax  Cabdi Warsame oo ka socdey Wakaalada Wararka AP waxaa uu soo dhaweeyey in mar kale Dib loo eego Sharciga Saxaafada.

Maxamed ibraahim Macalimuu oo ah Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Qaran ee NUSOJ oo ka hadley Kulankaas ayaa u Mahadceliyey intii soo qaban qaabisey Kulanka  isagoo u jeediyey ka qayb galayaasha in ay diirada saaraan Qodobada Muhiimka ah ee Khuseeya Saxaafada Xorta ee Khilaafka taagan yahay

Dhawaan ayey ahayd markii Wasiirka Warfaafinta uu ku dhawaaqeen in mar kale Dib loo eego Sharciga Saxaafada maadaama ay Cabasho weyn ay ka keeneen qaybaha kala duwan ee ee Warbaahinta   taasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen Bahda Saxaafada.

 

PHOTOS:- Abdirashiid Ali Dubbad

DSC_1013DSC_1026DSC_1022 DSC_1031 DSC_1039DSC_1115DSC_1044DSC_1118DSC_1253 DSC_1121 DSC_1216 DSC_1223

DSC_1296

DSC_1100

DSC_1285