Kulan looga hadlayay Amniga oo ka dhacay Caabud-waaq

Caabud-waaq-RisaalaFM- Magaalada caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud maanta waxaa ka dhacay kulan looga hadlayay Amniga, kadib markii maalmihii u dambeeyay ay Degmadaasi ka dhacayeen falal lidi ku ah Amniga.

Kulankan Amniga looga hadlayay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka tiirsan maamulka Degmada, Dhalinyaro iyo Ururka Haweenka xubno kale.

Xubno ka tirsan Ganacsatada Degmada, Culimaa’udiin iyo Dhallinyarada oo lahaa diyaarinta kulanka looga hadlayay xaaladda nabedgalyo ayaa xusey in ay kordheen dilalka qorsheysan Bishii la soo dhaafay, waxaana dilal kaasi lala beegsaday dad kor u dhaafaya 10 ruux

Madaxa Arrimaha Bulshada maamulka Degmada Muuse Maxamed Axmed oo kulanka daah furay ayaa ugu baaqay ka qayb galayaasha kulanka in la daraaseeyo marxaladda si loo wajaho xalka.

Xubno ka tirsan ka qayb galayaashii kulanka oo isugu jiray Ganacsato, Dhallinyaro iyo Odayaal ayaa ka hadlay Xaaladda nabedgalyo, waxaana ay soo dhaweeyeen dadaalada socda ee la xariira Nabadda.