Abaaro ka jira Deegaanada Jubbaland

Kismaayo-RisaalaFM- Qaar ka mid ah Deegaanada Jubbaland ayaa waxaa xilligan ka jira Abaaro xoogan, kuwaas oo saameeyay Dadka iyo Duunyada ku dhaqan Deegaanada Jubbaland.

Waxgaradka iyo Odayaasha Deegaanada ayaa waxa ay codsi ujeediyeen maamulada kala duwan ee dalka ka jira iyo beesha caalamka, iyagoo ka codsaday in loo gar gaaro dadka ku dhaqan Deegaanadaasi.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in dhowr jeer oo hore qeylo dhaan ku aadan Abaaraha ka jira Deegaanadooda maamulka Jubbaland u direen, iyagoo sheegay in dadka ay halis ugu jiraan in ay u dhintaan biyo la’aan.

Maanta ayay aheyd markii Magaalada Kismaayo uu ka dhacay Kulan looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha baahsan ee ka jira qaybo ka mida Dhulka Jubbooyinka.