DHAGEYSO: Axsaabta Siyaasada oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- kulan ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah Madaxda Axsaabta Siyaasada Dalka ayaa waxa ay kaga hadleen arrimo la xiriira Doorashooyinka Dalka.

Axsaabta Siyaasada ayaa sidoo kale kulankooda waxa ay kaga hadleen Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyo cabashooyinka ka soo yeeraya Waxgaradka Hiiraan.

Kulanka kadib waxaa warbaahinta la hadlay Siyaasi Cali Nuux Tima-jilac, waxaana uu warbaahinta u aqriyay go’aanada iyo qodabadii ka soo baxay kulankooda.

Ugu dambeyntii Madaxda Axsaabta Siyaasada Dalka ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay dadejiyaan Dhismaha Maamulka loo sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.