Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Magaalada Qardho kaga qeybgalay shir u dhexeeyay Taliyaha Booliska Puntland Gen Cabdi Xuseen Xasan iyo Taliyaasha Qeybaha Gobolada Bari, Karkaar. Nugaal , Sool ,Sanaag .Haylaan iyo Gardafuu.
Kulankaan ayaa ahaa mid lagu xoojinaayay wada shaqeynta dhexdooda iyo sidii ay iskaga kaashan lahayeen xoojinta amaanka iyo wax walba oo ku aadan Hormarka Booliska.
Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland ayaa dhamaan faray Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada inay dardar geliyaan howlaha sugida Amniga guud ee degaannada Puntland.



