Kulan ka tirsan Horyaalka heerka koowaad ee Dalkeena Soomaalya ayaa shalay waxa uu dhexmaray kooxaha Jeenyo iyo Gaadiidka, waxaana ciyaartan ay ka dhcday Garoonka Banaadir Stadium.
Ciyaartan oo aheyd mid aad u xiiso badan ayaa waxa uu ahaa kulankii labeed ee Horyaalka heerka koowaad ee Dalkeena Soomaaliya.
Kooxda Gaadiidka oo shalay gurigeeda ku cayaareysay ayaa waxaa ay la timid goolkii koowaad ee ciyaarta, wxaaana u dhaliyay ciyaaryahanka Oliver Ogbonnaya oo lambarka 13-aad xirta, iyadoo qeybtii koowaad ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0.
Markii dib la isugu soo laabtay ayaa waxa ay ciyaarta aheyd mid ku bilaabatay jawi roobaad, waxaana dadka ka daawanayay ciyaarta TV-yada guryaha yaalla ay arkayeen qeybaha garoonka oo faaruq ah maadaama roobka uu ahaa sii xoogeystay, iyadoo garoonka uusan laheyn qeyb kor iska xirta.
Kubad uu soo laaday ciyaaryahanka Oliver oo ka tirsan Gaadiidka ayaa waxaa si kama ah isaga dhaliyay ninka daafaca uga ciyaara jenyo Axmed Tahliil, waxaana ciyaarta ay noqotay 2-0.
Ciyaarta oo mareysay daqiiqadii 51-aad ayaa waxaa Jeenyo goolka koowaad u soo celiyay xidiga lagu magacaabo Maxamed Nuur Shaarkey oo ciyaarta ka dhigay 2-1, iyadoo Jeenyo ay soo gashay rajo ku aadan in ay keeni karto goolka labaad.
Kooxda Jeenyo ayaa intaa wixii ka dambeeyay waxa ay bilowday weeraro ku aadan sidii ay u keeni laheyd goolka bar baraha ah, waxaana kubad koorno aheyd oo la soo tuuray madaxa la helay ciyaaryahanka lagu magacaabo Daa’uud C/laahi Tubaal oo ciyaarta ka dhigay 2-2.
Ciyaaryahanka lambarka 6-aad u xrta Gaadiidka Ibraahim Cabdi Maxamed ayaa karaka guduudan loo taagay, kadib markii uu galay qalad, halka Shaafici Xasan C/laahi oo Jeenyyo u xirta lambarka 11-aad loo taagay kaarka casaanka ah daqiiqadii 85-aad ee ciyaarta.
Kooxda Jeenyo oo ay ka maqnaayeen ciyaartoy muhiim ah ayaa ugu dambeyn ciyaarta waxa ay ku soo idlaatay 2-2.


