Kulan Garowe uga socda baarlamaanka Puntland

Fadhiga 27-aad, Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada DPL ayaa goor-dhaweyd si rasmi ah u furmay.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ah dhameystirka Arrimaha Xuduudaha Puntland, Gobollada Sool iyo Sanaag.

Soo jeedin ka dib Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL waxay isku raaceen in qodobka Arrimaha Xuduudaha Puntland, Gobollada Sool iyo Sanaag lagu darro Qodobka La Xisaabtanka Xukumadda.

Dhinaca kalena, Xildhibaannadda Golaha Wakiillada DPL ayaa isku raacay in Ajandaha Fadhiga berri uu noqdo Dib-u eegista heshiiska P & O Ports ( DP-WORLD).