Kulan dhexmaray Ra’iisul wasaare Rooble iyo taliyaha NISA

Sida ay xaqiijiyeen ilo ka tirsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kulan ayaa maanta Muqdisho ku dhexmaray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji.

Kulankaan ayaa wararka waxa ay sheegayaan in looga hadlay arrimaha Siyaasadda, Ammaanka iyo sidoo kale soo xulida Golaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa wali ku dhawaaqin golihiisa Wasiirada, waxaana lagu waddaa in la Magacaabo maalmaha soo socda.

Kulankaan ayaa lagu soo waramaya in uu yahay midkii labaad ee dhexmara labada dhinac ee looga hadlo Arrimaha dalka gaar ahaan Wasiirada cusub.