Kulan Caawa laga Ciyaari lahaa Horyaalka Ingiriiska oo dib loo dhigay

Waxaa dib loo dhigey Kulankii xiisaha badnaa ee kooxaha Manchester City iyo West Ham,kaas oo katirsanaa Horyaalka Ingiriiska Premier League,iyada oo sababta loogu dhigey la shaaciyey.

Qoraal lagu soo daabacay barta twitter ee kooxda Man city ayaa lagu sheegay in sababaha klankaas dib loogu dhigey ay tahay cimiladda Garoonka Etihad Stadium, oo lagu balansana in lagu ciyaaro.

Shaqaalaha Garoonka iyo taageerayaasha labada Kooxood oo isku diyaarinayay Ciyaarta ayaa lagu wargeliyey in Ciyaarta dib loo dhigey,isla markaana loo daneynayo labada dhinac.