Lionel Messi oo Doonaya inuu sii Joogo Barcelona

Kabtanka kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuusan dooneynin inuu ka tago kooxda inkastoo ay sii kordhayaan wararka la isla dhexmarayo ee ku aadan mustaqbalkiisa Camp Nou.

32-jirkan ayaa horaantii toddobaadkan wuxuu ka hadlay arinkii agaasimaha isboortiga Eric Abidal kaasoo sheegay in ciyaartoyda qaar ay isku dhaceen macalinkii hore ee la ceyriyay Ernesto Valverde.

Messi ayaa ku booriyay Abidal inuu magcaabo ciyaartooyda uu sheegay taasoo keentay inuu soo idlaaday mustaqbalkiisa ciyaareed.

Manchester City, Manchester United, Paris Saint-Germain iyo Juventus ayaa dhamaantood lagu soo waramayaa inay isha ku hayaan xaaladaan, laakiin Sky Sports News ayaa sheegeysa in Messi uu weli doonayo inuu sii joogo Barcelona ilaa ugu yaraan dhamaadka qandaraaskiisa haatan.

Xiddiga lixda jeer ku guuleysta abaalmarinta Ballon d’Or ayaa qandaraaskiisa waxa uu dhacayaa sannadka soo socda, in kasta oo ay jiraan shuruudo u sheegaya inuu Messi si xor ah uga tagi karo kooxda xagaaga kasta.

Si kastaba ha ahaatee, Messi ayaa loo maleynayaa inuu u furan yahay inuu ka hadlo qandaraas kordhinta oo loo cusbooneysiinayo sannad walba, halka Barcelona ay dooneyso inay u soo bandhigto ninkooda heshiis cusub oo sannado badan ah.

Messi ayaa dhaliyay 622 gool 712 kulan oo uu u saftay kooxda reer Spain waana mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicneyd abid, isagoo kula guuleystay 34 koob Barcelona waxaana kujira 10 horyaal iyo afar Champions League.