Kulamo xal raadin ah oo ka socda Magaalada Beledweyne

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaliya oo uu wehliyo Xildhibaan Nuur Iidow Beyle ayaa waxaa ayt beledweyne kula kulmeen Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo kamid ah duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dejin lahaa xaaladda magaalada Beledweyne, isla markaana wax waba lagu dahmeyn lahaa wada-hadal si looga fogaado waxkasta oo dhibato u keeni kara Shacabka Beledweyne.

Warar lagu kalsoon karo ayaa sheegaya in Madaxda dowladda Soomaliya ay farageliyeen xaalada kasoo cusboonaatay Magaalada Beledweyne, ayna xiriir la sameeyeen Ugaas Yuusuf iyo madaxda dowladda ee ku sugan Beledweyne.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid egan, isla markaana Ciidamadii gadoodsanaa ay weli ku sugan yihiin Xarumihii ay lawareegeen.