Iyada oo lagu wado in saacadaha soo socda uu Madaxweynaha Hir-Shabeelle ku dhawaaqo liiska Musharixiinta Aqalka Sare ayaa waxaa Magaalada Jowhar ka billowday kulamo looga hadlayo doorashada Aqalka Sare.
Xubnaha Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Federaal ayaa Magaalada Jowhar waxaa ay kulan kua qaateen Guddoonka Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabelle, kaas oo looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka.
Kulanka ayaa waxaa ay uga hadleen sidii loo dar-dar gelin lahaa loona fududeeyn lahaa arimaha doorashooyinka aqalka sare oo la filayo in ay maalmaha nagu soo aadan ay halkaas ka qabsoomaan.
Xubnaha Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Federaal ayaa Golaha Wakiilada Hir-Shabeelle kula dardaarmay inay si xor iyo xalaal ah u qabtaan doorashooyinka Aqalka Sare, iyagana ay goobjoog ka noqon doonaan.
Magaalada Jowhar ayaa waxaa haatan laga dareemayaa qaban qaabadii ugu dambeeysay ee doorashada Aqalka Sarw, waxaana intooda badan Magaalada kusugan Musharixiinta Aqalka Sare, waxaana Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu dhawaan sheegay in aysan jiri doonin qof loo xirayo kuraasta Aqalka Sare.



