Kulamo ka tirsan Horyaalka Soomaaliya oo maanta la ciyaarayo

Kooxaha kubadda cagta ee Heegan iyo Gaadiidka, oo ka wada tirsan Horyaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeelan doona kulan xiiso badan oo qeyb ka ah tartankan eybihiisii hore maraya.

Kulankan oo kii afaraad ah marka la eego ciyaaraha horyaalka ee ilaa hadda la is arkay ayaa ka dhici doona Garoonka Eng Yariisoow ee magaalada Muqdisho.

Ciyaartan oo dad badan ay xiiseynayaan waxay billaabaneysaa saacaddu marka ay tahay 3:00 PM ee galabnimo.

In kastoo horyaalka uu billow yahay, haddana waxaa muuqata in uu sii yeelanayo xiiso, kooxuhuna ay doonayaan in ay kaalmaha sare ku dadaalaan.