Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa Caawa ka socda Kulamo u dhaxeeya Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliuya iyo Jabuuti oo Maanta halkaasi gaarey & Madaxda Maamulka koonfur Galbeed.
Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan gudoomiyaha Golaha Shacbaka Soomaaliya iyo dhigiisa Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo Caawa ku sugan Madaxyooyada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay kulan la leeyihiin Madaxweyne C/Casiis laftagareen iyo guddoomiyaha Golaha Wakiilada KGS Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye iyo madax kale.
Kulamada ayaa waxaa ay inta badan uga hadlayaan sidii ay u wada-shaqeyn lahaayeen Baarlamaannada Soomaaliya iyo kan jabuuti,waxaana kulamada qeyb ka ah xubno ka tirsan golaha Wakiilada Koonfur Galbeed.
Ammaanka Magalada Baydhabo ayaa Caawa aad loo adkeeyey,waxaana Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliuya iyo Jabuuti la filayaa inay ka qeyb-galaan kal-fadhiga 5aad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed oo beri ka furmaya Magalada Bydhabo ee Gobolak Baay.



