Dhageyso:-Guddoomiye Filish oo balan qaad u sameeyey Shacabka Muqdisho

Iyada oo Maanta roob saameeyay isku socodka dadka iyo gaadiidka uu ka da’ay magaalada muqdisho ayaa guddoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa Caasimadda Cumar Maxamuud Maxamed( Filish) waxa uu sheegay in ay wax kaqabanayaan goobaha biyaha ay fadhiistaan ee ku yaalla laamiyada lad hisay ee Gobolkan Banaadir.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in ay sameynayaan bulaacado biyaha kaqaada laamiyada si ay magaalada u noqato mid nadiif ah oo shacabka iyo gaadiidka isku socodkooda uusan hakad ugu imaan sida Maanta dhacday.

Waxaa hadalkiisa uu intaas kudaray guddoomiyaha in ay dhisayaan dhamaan wadooyinka kala duwan ee Caasimadda ee aan wali ladhisin si loo helo laamiyo nadiif ah oo aan bur bursaneyn.