Maamulka degmada Buulo-Burde oo xilkii laga qaaday

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay xilkii ka qaaday guddoomiyihii degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan iyo duqii degmadadaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Cali Caadle ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Guddoomiyihii degmada Buulo-Burde C/Casiis C/llaahi Cabdi (Duuroow) iyo duqii degmadaas Maxamed Fiidowe Cawaale.

Sidoo kale wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in xilka guddoomiyaha degmada Buulo-Burde si KMG ah loogu Magacaabey Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Liibaan Cabdi  Burisoow.

Sababaha xilka qaadista Gudodomiyihii degmada Buulo-Burde iyo deqii degmadaas ayaa waxa lagu sheegay kadib markii la arkaya is qabqabsi ka jira degmadaas iyo la-tashiyo lala sameeyey Madaxda Sare ee Hir-Shabeelle.