kulamo Caawa ka socda Garowe

Kulamo kala duwan oo u dhaxeeya Madaxda maamul goboleedyadda ayaa Caawa ka socda Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Kulamaddan ayaa ah kuwo diiradda lagu saarayo Wada shaqeynta maamulada, waxaana ka garwadeen ka ah Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Dani.

Magaalada Garowe ayaa waxaa ku sugan dhammaan Siyaasiyiinta Mucaaraadka ah ee dowladda kasoo horjeedda , Madaxda maamul goboleedyadda, Wafdi ka socdda dowladda dhexe iyo Beesha Caalamka.

Maalinta Berri ah ayaa lagu waddaa in ay dhacdo Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Dani iyo ku xigeenkiisa Axmed Garaash.