“Ku Ducaysta In Aanan Idin Helin” Mario Balotelli

Foto Marco Alpozzi/LaPresse 16 Febbraio 2020 Torino, Italia sport calcio Juventus vs Brescia - Campionato di calcio Serie A TIM 2019/2020 - Allianz Stadium Nella foto: Mario Balotelli (Brescia Calcio); durante il riscaldamentoPhoto Marco Alpozzi/LaPresse February 16, 2019 Turin, Italy sport soccer Juventus vs Brescia - Italian Football Championship League A TIM 2019/2020 - Allianz Stadium In the pic: Mario Balotelli (Brescia Calcio); durmi warm up

Weeraryahanka koox la’aanta ah bilahan ugu dambeeyay ee Mario Balotelli ayaa maanta kusoo kacay cadho uu ka qaaday koox dhibaataysay gaadhigiisa isaga oo farriin adag baraha bulshada u mariyay.

Weeraryahankii hore ee xulka qaranka Talyaaniga ayaa wali koox la’aan ah balse sii wada inuu ku noolaado Brescia kaddib markii ay isku dhaceen kooxda magaaladaas oo uu qayb ka ahaa.

Balotteli ayaa u sheegay shaqsiyaadkii gaadhigiisa sidaas yeelay inay u fiicantahay inay ka ducaystaan inuu helo iyaga maadaama oo uu xanuujin doono oo uu ku silcin doono sharciga haddii uu helo.

Farriinta Mario ee Instagram ayaa u dhignayd sidan “Waan ogahay inaad….adigu in cidkasta oo aad tahay aad heli doonto farriintan, waxaan kuu sheegayaa kaliya inay kuu fiicantahay inaad ducaysato oo aad aad uga ducaysato inaan ku helo”

“Sababtoo ah waxaan xaqiijin doonaa inuu sharcigu nolosha kugu adkayn doono, waxaad tihiin doqmo fulay ah”