Kooxo hubeysan oo toogtay Wiil dhalinyaro ah

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay degmadaasi lagu dilay Wiil dhalinyaro ah ka dib markii kooxo ku labis dharka ciidanka dowladda Soomaaliya ay waydiisteen in uu bixiyo Taleefankiisa gacanta ,laakiin uu diiday.

Kooxaha Hubeysan ayaa la sheegay in wiilka dhalinyarada ah ay u dileen Taleefanka dartiisa.

Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Sheekh Mayoow sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Dilka kadib ragii hubeysanaa ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana goobta gaaray Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya oo sameeyay baaritaan lagu raadinaayo kooxihii dilka geystay.

Shacabka kunool degmada Afgooye ayaa Cabasho xooggan ka muujinaya Kooxaha dhibka ku haaya Xilliyada Habeenkii ah.