DHAGEYSO: Shir Muhiim ah oo ka dhacay Baydhabo

Magaalada Baydhabo oo ah Xarunta KMG ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya waxa ka dhacay Kulan loogu hadlaayay Mideynta Manhajka Waxbarasho ee Soomaaliya.

Sidoo kale Kulanka ayaa waxaa loogu hadlay sidii hal Manhaj oo dhameystiran loogu sameyn lahaa goobaha Waxbarashada ee Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale kulanka ayaa intii uu socday waxaa fikrado ka dhiibtay oo ka hadlay qaar ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool degaanada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee Waxbarashada Dalka.

Wasiirka Waxbarashada ee Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Saadaad Maxamed Nuur ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed dhamaantood loogu baahan yahay in ay ka qeyb qaataan hormarinta Manhajka Waxbarasho ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ay ku dadaalayaan sidii kaalintooda ay ugu qaadan lahaayeen, isla markaana ay u joogteyn lahaayeen kulamadaan oo kale.