DHAGEYSO: Nabad Sugidda oo u digtay Shacabka

Axmed C/laahi Ciise Taliye ku xigeenka Ciidanka Nabad Sugidda ee Kismaayo ayaa shacabka jubbaland ugu baaqay in ay ka feejignaadaan qaraxyada Al-Shabaab ay ka geysanaya Magaalada Kismaayo.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Shacabka Jubbaland loogu baahan yahay in ay si dhaw ula shaqeeyaan Ciidamada amaanka.

Waxa uu tilmaamay in Al-Shabaab ay mar walbo dhibaateeyaan Shacabka aan waxbo galabsan balse Shacabka loogu baahan yahay in ay ka taxadaraan goobaha ay Al-Shabaab qaraxyada dhigaan.

Taliyaha ayaa xusay in Ciidanka Nabad sugidda Jubbaland ay mar walbo diyaar u yihiin sugidda amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Nabad Sugidda ee Kismaayo Axmed C/laahi Ciise ayaa sidoo kale Warbaahinta u sheegay in ay bilaabayaan howlgalo jogto ah o lagu xaqiijinayo amaanka guud ee Magaalada Kismaayo.