Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa si weyn u beeniyay Warar maalmihii lasoo dhaafay ay tabinaayeen Qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaaliyeed oo ku aadana in dowladda Imaaraadka Carabta ay Saldhig ciidan ay ka furanayso Magaalada Booasaaso.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Wararkaasi ay yihiin kuwo been Abuur ah , islamarkaana aysan dhicin karin in dowladda Imaaraadka Carabta ay Saldhiga ka dhisato Magaalada Boosaaso.
Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in dowladda Imaaraadka Carabta ay dhinacyo badan ay ka taageerto Maamulka Puntland, waxaana ka mid ah tababarida ciidanka Badda Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa Sanadyadii lasoo dhaafay Safarro kala duwan ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.


