Muqdisho-RisaalaFM- Kooxo hubaysan ayaa xalay fiidkii waxa ay duleedka Magaalada Muqdisho ku dileen, nin goob ganacsi ku lahaa degaanka Sarkuusta ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Ninka la dilay, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Kaahiye (Shangaani) wuxuuna dukaan yar ku lahaa degaankaasi Sarkuusta.
Dadka degaanka ayaa sheegay laba nin inay u soo istaageen dukaanka, kadibna ay wax ka iibsadeen iyadoo mid ka mid ah raggii wax ka iibsaday uu bistoolad ula soo baxay, kadibna uu ku dhuftay.
“Allaha ui naxariistoo Maxamed Xuseen Kaahiye oo ku magacdheeraa (Shangaani) rag hubaysan ayaa dileen, waxayna ku dileen goobtiisa ganacsiga labada nin ee dishay waxa ay u soo istaageen goobtiisa ganacsiga, kadibna waxa ay ku dhufteen dhawr xabadood.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka degaanka.
Illaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkaan loo gaystay ninkaan ganacsadaha ah, hayeeshe warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ninkaan uu ka tirsanaa ergadii Doorashada Xildhibaanada.



