Maamulka Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Rag ay ku eedeeyeen in gudaha Degmadaasi ay ka geysan jireen dhaca Moobilada gacanta.
Ragaan lasoo qabtay oo labbo ah ayaa lagu soo qabtay howlgal Ciidamada amniga Degmada Kaaraan ay ka fuliyeen degmadaasi waxaana lala soo qabtay Mooto ay u adeegssan jireen gadiid ahaan sidaasi waxaa inoo xaqiijiyey Gudoomiyaha Degmada Kaaraan Cabdifitaax Yaanyo.
Gudoomiye Yaanyo ayaa sheegay in Ragaan ay hor geyn doonaan cadaaladda lana marsiin doono inqaabta ay mudanyihiin.
dhawaanahaan waxaa Magaalada Muqdisho kusoo badanaayey rag Mootooyinka loo yaqaano Feconta dhac ku geysta.



