Kooxda Liverpool oo Guuldaro weyn la kulantay

Kooxda Kubadda cagta Liverpool ayaa guul darro xanuun badan kala kulantay kooxda Wotford ee dalka England ay ka wada dhisanyihiin ka dib 18 kulan oo xiriir ah oo ay guul gaartay horyaalka England,

Waxaana guul daradani 3-0 ay soo afjartay 44 kulan oo ay guul daro la’aan tahay Liverpool horyaalka.

Su’aasha ay is weydiinayaan taageerayaasha Kubadda cagtu ayaa ah Atletico Madrid oo gurigeeda kaga soo badisay Liverpool tartanka Champion ka hadana miyay mar kale ku garaaci kartaa Garoonkeeda oo ay ka reebi doontaa tartanka Yurub.