Kooxda Sevilla oo mar kale ku guuleysatay koobka Europa League

Kooxda Sevilla ee waddanka Spain ayaa mar kale xalay ku guuleysatay koobka labaad ee kooxaha Yurub ee Europa League kadib markii ay rigoorayaal 4-1 kaga badisay AS Roma, waxayna kor u qaaday koobka markeedii toddobaad, taasoo keentay in macalinka Roma Jose Mourinho ay guuldaradii ugu horeysay kasoo gaaro lix final oo Yurub ah.

Ciyaarta oo aheyd mid adkeyd ayaa ku dhammaatay 1-1 waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray.

Goolhayaha Sevilla, Yassine Bounou, ayaa ahaa geesigoodii rigoorada, isagoo ka badbaadiyay rigoorayaal Gianluca Mancini iyo Roger Ibanez.

Sevilla oo ah boqoradda tartanka Europa League oo aan muran ka taagnayn ayaa hadda wada guulaystay 7-dii final ee ay tartankan soo ciyaartay.

Ciyaartan ayaa aheyd mid aad u xiiso badan iyadoo garsoore Anthony Taylor uu bixiyay 14 jaalle, waana jaalleeyaashii ugu badnaa abid ee ciyaar Europa League, waxaana uu ciyaaray ku dhawaad 30 daqiiqo oo waqtigii dhimashada ah.