Kooxda Nice oo go’aan ka gaartay Mustaqbalka Mario Balotelli

Kooxda kubadda cagta Nice ayaa kudhaawaaqday in uu kooxda sii joogi doono Mario Balotelli inkasta oo warar soo baxaya ay sheegayeen in uu kubiirayo Marseille.

Weeraryahankan heerka caalami ee  reer talyaani  ayaan soo xaadirin tababarka kooxda kulanki furitaanka walow ui dib kaga soo biiray safka kooxda, balse wakiilkiisa Mino Riola ayaa kashaqaynayay in uu kubiiro Olypique Marseille.

Yeelkede, Kooxda Nice ayaa boggeeda rasmiga ah we Twitter-ka Ku caddaysay in Balotelli uu sii joogayo gudaha France.

“Go’aanka waa lagaaray, Balotelli waxa uu sii joogi doonaa Nic.” Ayaa lagu Yuri war kooban oo lasoo dhigay booga Twiiter-ka kooxda kubadda cagta Nice.