Kooxda Barcelona oo go’aansatay iibinta Daafac Muhiim u ah

Wargeyska Sport ayaa sheegaya in Blaugrana ay go’aansatay in iska iibiso daafaca reer France ee Samuel Umtiti xagaaga.

Fikradda lagu iibinayo waxaa looga goleeyahay inay kooxdu ka hesho lacag caddaan ah oo ay dib-u-habayn ugu sameyaan kooxda.

Umtiti ayaa suuqa saarnaa xagaagii hore laakiin arrimaha la xiriira taam ahaanshiyihiisa ayaa keentay in dib loo dhigo iibintiisa.

Sikastaba, wuxuu muujiyay xilli ciyaareedkan muhiimada uu leeyahay, Barça waxay aaminsan tahay inay tahay waqtigii ugu fiicnaa ee uu dhaqaaqi lahaaa.

Umtiti ayaa heystay hal dalab oo horeyba uga yimid koox aan la magcaabin, laakiin waxay umuuqataa in Manchester United ay tahay kooxda sida adag ugu dagaalami doonta saxiixiisa.

Barça waxay dooneysaa inay hesho lacag € 130m xagaaga waxaana lacagtaas fure u noqon doona iibinta Samuel Umtiti.